info@buecher-doppler.ch
056 222 53 47
Warenkorb
Ihr Warenkorb ist leer.
Gesamt
0,00 CHF

1969

Angebote / Angebote:

¿Fikradda qoritaanka buuggan waxay ka dhalatay, sida aan la socdo, baahi qoraaggu u arkay in dadka Soomaaliyeed ee wax akhriyaa ay u qabaan in ay helaan buug noocan oo kale ah. Si gaar ah waxaa buuggan uga faa'ideysan kara laba qeybood oo bulshada Soomaaliyeed ka mid ah: 1) Guud ahaan dhalinyarada aan waayahaas soo gaarin, si gaar ahna kuwa qurbaha ku nool ama ku koray iyo, 2) Dadka waaweyn ee aan horay fursad ugu helin inay akhristaan taariikhda dalkooda. In kastoo qoruhu diirrada saaray sannadkii 1969kii, haddana waxaan meesha ka maqnayn in buuggu tilmaamo badan ka bixinayo arrimo dhowr ah oo ka dhacay dalka laga bilaabo tan iyo markii Soomaaliya gaartay madaxbannaani 1960kii. Arrimahaas kuwa ugu waaweyn waxaa ka mid ah doorashooyin siyaasadeed ee dalka ka dhacay. Doorashooyinkaas oo ay hareeyeen muqus iyo ku shubasho. Si kooban wuxuu tilmaan uga bixiniyaa maamul xumo iyo habacsanaan dalka ka jirtey ka hor dilkii sababta loo maleynayo inay keentay dilkaas foosha xun. Wuxuu kaloo tilmaamayaa in beryo kooban ka gadaal dilkii Madaxweynaha, ciidamada qalabka sida ay af gembiyeen xukuumaddii rayidka ahayd, dalkiina waxaa ku dhacay is beddel weyn oo aan la filayn. Dhacdooyin dhowr ah oo 21kii sano ee xigay dhacay ayuu kaga warramayaa. Ugu dambeyntii qoraagu wuxuu is dul taagayaa fursadihii lumay iyo sidii ay dawladdii iyo jabhadihii mucaaradka ahaa ugu guuldareysteen xal dalka lagu badbaadiyo.¿ - AVV. Maxamed Trunji Qoraa iyo taariikhyahan
Fremdlagertitel. Lieferzeit unbestimmt

Preis

27,90 CHF