info@buecher-doppler.ch
056 222 53 47
Warenkorb
Ihr Warenkorb ist leer.
Gesamt
0,00 CHF
  • Start
  • Astaamaha Guud ee Maansada Soomaaliyeed

Astaamaha Guud ee Maansada Soomaaliyeed

Angebote / Angebote:

Buuggani, oo ah buuggii ugu horreeyay ee uu qoray Ustaad Cabdalla Cumar Mansuur 1977, oo dhowaanahan dib u habayn yar lagu sameeyay, wuxuu guud ahaan saafayaa astaamaha u gaarka ah maansada Soomaaliyeed, sida: qaafiyadda ama xarafraaca, miisaanka, murtida (sida: balaaqada ama af maldaheedka). Arrimahaasi waa xogta laga helayo qaybta koobaad ee buugga. Qaybta labaadi waxay diiwaangelinaysaa jaadad badan oo maansada ka tirsan (mid la tiriyo iyo mid la heesaba), iyada oo xeerka lagu kala soocayo jaadadkani yahay miisaanka. Markii buuggan qoristiisa la hayay, ma jirin daraasad u soo koobtay tirada jaadadka kala duwan ee maansada Soomaaliyeed, sida daraasaddan, tiro ahaan iyo tayo ahaanba."Astaamaha Guud ee Maansada Soomaaliyeed waa buug si milgo leh akhristaha ugu maalaya aqoonta mucda iyo miidda badan ee maansada Soomaaliyeed, maansadaas oo ku hodman murti iyo miisaan baaxad leh oo ay Soomaalidu dunida kaga mudh baxday. Anigana waxtar aan la soo koobi karin ayuu buuggu iileeyahay: waxaan si kooban ardaydayda u siin karaa xog ka dhow midda buuni Carraale, kana dheer midda buuni Gaarriye, oo ay ka baran karaan aqoonta maansada!"Idris M. CaliCabdalla Cumar Mansuur 80tameeyadii wuxuu bara sare ka ahaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho. Dagaalkii sokeeye kaddib, wuxuu bare ka noqday Jaamacad ku taalla Roma , "Università degli Studi Roma Tre", halkaas oo uu haatan weli ka wado hawsha mashruuca Kaydka Soomaaliyeed "Archivio Somalia" ee Xarunta Cilmibaarista Soomaaaliyeed ee isla Jaamacaddaas. Muddo badan ayuuna ku hawllanyahay cilmibaarista afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, buugaag iyo maqaallo badan ayuuna ka qoray.Buugaagtiisa ugu doorka roon waxaa ka mid ah: Barashada Naxawaha Af Soomaaliga, (la qore) Prof. A. Puglielli, (1999), Qaamuuska Af Soomaaliga, ( la diyaariye) Prof. A. Puglielli, (2012), Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed (daabacaaddii 2aad), Le lingue Cuscitiche e il Somalo, Studi Somali N.8, (1988), Afafka Bahda Kushitigga iyo taariikhda Af Soomaaliga, (1981), Astaamaha guud ee Maansada Soomaaliyeed, (daabacaaddii 2aad). Wuxuu ku nool yahay magaalada Roma ee waddanka Talyaaniga.
Fremdlagertitel. Lieferzeit unbestimmt

Preis

20,90 CHF

Artikel, die Sie kürzlich angesehen haben