info@buecher-doppler.ch
056 222 53 47
Warenkorb
Ihr Warenkorb ist leer.
Gesamt
0,00 CHF
  • Start
  • Masraxiyaddii Aqoon iyo Afgarad

Masraxiyaddii Aqoon iyo Afgarad

Angebote / Angebote:

Masrixiyaddanwacyigelinteedu waa mid waageedii ay ka curatay iyo kan maanta la joogaba ku habboon. Waxyaalaha ay tooska u abbaartay waxaa ka mid ah tilmaamidda in ka mid iimihii gumeystayaashii ay kaga tageen dadka iyo dalka Soomaaliyeed iyo kuwii la yimid isbeddelka nolosha bulshada casriga ah. Waxaa ka mid ah: doorsoonkaaf, dhaqan, dhaqaale iyo siyaasadeed ee gaadhay ilaa loo soo joogay in jiilkii la filayay in uu dadlka iyo dadka xornimada curdinka helay horumar la taaban karo gaarsiiyo ay iyagiiba is af garan waayeen, dadkoodii ay u adeegi lahaayeenna aanay sidaa oo kale isu af garanayn. Loollankii ka dhexeeyay fikradihii siyaasadeed ee Bari iyo Galbeed iyo saamayntii tabnayd ee ay ku yeesheen manhajka iyo majaraha waxbarasho ee dhallinyaradii dibadaha waxbarashada u aaday dabadeedna dalkii dib ugu soo noqday iyaga oo kala sita cinwaanno culculus oo diktuur, dhoktor iyo ditoore ka wada kaca. Waxay ka turjumaysaamasraxiyaddu sheeko gudbinaysa qoys Soomaaliyeed oo reer miyi xooladhaqato iyo beeraleyba ah oo saboolna ah. Qoyska dhanna u ma fayooba!Caafimaadkiisu ma fiicna, xooluhuwaa ay ka wada bukaan, xagga daryeelkana waa uu ka liitaa.Qoyskaa kuwii dad iyo duunyo in ay u badbaadshaan laga dhawrayay waa kuwaa is af garan la' lana af garan la'yahay! Dhanka kale, Aqoon iyo Afgarad xagga yididdiilada qumman iyo ifinta rejajooyinkii soo fool lahaa ka ma ay madhnayn. Waxa ay sii oddorostay horumarro ay ka mid ahaayeen hirgelintii qoridda Af Soomaaliga rasmiga ah ee aynnu hadda adeegsanaynno. Waxa kale oo ay masraxiyaddu halbeeg qumman diiradda ku saartay in badbaadada iyo horumarinta dal iyo dad aan looga sokeyn laguna dhaamin jiilka daljirka ah ee afkooda hooyo kaga haqab beela aqoonta dadkooda iyo dalkoodu u baahanyihiin. Iimihii la yimid isbeddellada bulshada casriga ah ee dhinacyada badan leh, sida dawladnimada cusub iyo fahankeeda, magaalowgii Soomaalida ku sii baahayay iyo noloshii sii murgaysay ee cillanaanta badan iyo kala danaysiga aan la isu turayn la timid ayay masraxiyaddu dhan kale ka tilmaamaysay. Intii ay waagaa tilmaamaysay iyo iyo dheeraadba maanta waa ay taaganyihiin. Sidaa awgeed, AQOON IYO AFGARAD wali waa halkeedii.
Fremdlagertitel. Lieferzeit unbestimmt

Preis

19,90 CHF